Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo warbixin la wadaagay Wasiirka Amniga

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nor ayaa kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha booliska.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhegeystay Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiisha kale ee Booliska, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda guud ee amniga iyo qorsheyaasha Booliska uga degsam xoojinta iyo sugidda Nabadgelyada.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Booliska adkeynta amniga gaar ahaan goobaha doorashooyinka, maadaama dhawaan la guda geli doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana uu kormeeray qeybaha xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST