Puntland iyo hay’adda IFES oo ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garowe ku qaabilay wefti ka socday hay’adda IFES oo ka shaqaysa arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Dhabancad iyo xubnaha ka socday hay’adda IFES ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii hay,adda IFES gacan uga geysan lahayd wajiga labaad ee doorashooyinka Degmooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod.

PUNTLAND POST