Facebook oo magaca shirkadeeda u baddeshay Meta

Maamulaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in shirkadiisu ay isu beddelayso Meta si ay u soo koobto aragtideeda dhabta ah ee mustaqbalka.

Isbeddelku ma quseeyo goobahooda gaarka ah, sida Facebook, Instagram iyo Whatsapp, kaliya waxaa la baddelay magaca shirkadda ay hoos iman jireen ee Facebook Inc.

Sidoo kale qaab dhismeedka shirkada isma baddeli doono, laakiin 1-da December, saamiyadeedu waxay bilaabi doonaan in ay ku ganacsadaan calaamada cusub ee “MVRS” ama metaverse.

Shirkadda Facebook ayaa sannadihii u dambeeyay la kullantay baaritaanno sii kordhaya oo uga imanaya sharci-dejiyayaal iyo sharci-yaqaanno caalami ah.

PUNTLAND POST