Bangiga Adduunka, ayaa hakiyey kaalmadii uu u fidin jirey Sudan, kadib markii ciidamada military-ga ee dalkani, ay afgambi kagala wareegeen dowladdii rayidka aheyd talada dalkaasi.
Hoggaamiyeyaal siyaasadeed ayaa la xirey isniintii, taasoo dhalisay mudaaharaadyo dalka oo idil ah, iyo cambaareyn caalami ah.
Midowga Africa, ayaa sidoo kale ka joojiyey xubinnimadii ururka ee dalka Sudan, sababo la xiriira qabsashada aan sharciga aheyn ee xukunka ee ciidana military-ga. Mareykanka ayaa xayirey 700 oo milyan oo Doolar, oo gargaar ah.
Hoggaamiyeyaasha ciidanka iyo kuwa rayidka ah, ayaa galey awood qeybsi aad u nugul, labadii sano ee lasoo dhaafay.
PUNTLAND POST