Puntland: Qaar ka mid ah ururada siyaasadda oo sameystay isbahaysi

Labada urur siyaasadeed ee Mideeye iyo Sinnaan & Caddaalad ayaa sameystay isbahaysi siyaasadeed oo ay isaga kaashanayaan dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Madax ka tirsan labada urur ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Qardho ku heshiiyay in ay sameystaan isbahaysi ay ku soo dhisaan goleyaasha deegaan saddexda degmo, sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed wadajir ah.

Ururada Caddaalad & Sinnaan iyo Mideeye ayaa ugu baaqay ururada kale ee mucaaridka in ay ka mid noqdaan isbahaysiga ururada mucaaridka ah si degmooyinka doorashadu ka dhacday ay uga sameeyaan isbadel.

PUNTLAND POST