Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay in Puntland taageero siino Ahlusunna.
Wuxuu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin warar suuqa la geliyay todobaadyadii la soo dhaafay oo sheegayay in Puntland ay saameyn ku leedahay dagaalkii Guriceel ee u dhaxeeyay Alhusunna iyo Galmudug.
Guddoomiye Sanyare ayaa tilmaamay in eedeyntaas aysan ahayn mid ay qaabaan siyaaasiyiinta iyo waxgaradka Galmudug, hase ahaatee ay tahay mid meel kale ka soo maaxanaysa.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay Galmudug u aqoonsan yihiin maamul dhisan oo deris wanaag iyo walaalnimo kala dhaxeeyo.
PUNTAND POST