Madaxweynaha Jubaland oo Puntland ku bogaadiyay doorashada qof iyo cod

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Puntland ku hambalyeeyay hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod oo degmooyinkii u horreeyay laga sameeyay.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Dowlada iyo shacabka Puntland talaabada ay u qaadeen dhinaca dimuqraadiyada taas oo degmooyin kamid ah laga qabtay Doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo cod oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedyada kale ee dalka in ay Puntland uga daydaan hirgelinta doorashooyinka ku dhisan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.

waa arin bogaadin mudan in Puntland ay noqotay Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee hirgaliya waxaana rajaynayaa in Dowlad Goboleedyada kalana ay ku dayan doonan.”

PUNTLAND POST