Cismaan Hudeey: Lama cafin doono cid kasta oo la shaqaysay Ahlusunna

Mas’uuliyiinta degmada Guriceel u qaabilsan Galmudug oo warbaahinta kula hadlay goobihii lagu dagaallamay ayaa shacabka ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan magaalada.

Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa saaka isaga baxay Guriceel kadib wada-hadal dhexmaray iyaga iyo Ganacsato u dhashay magaalada oo dhex-dhexaadinayay labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna.

Guddoomiyaha Guriceel iyo Taliyaha Booliiska degmadaas u qaabilsan Galmudug oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in xaaladda magaaladu deggantahay kadib markii Ahlusunna baxday.

Taliyaha Booliiska Guriceel Cismaan Cali Hudeey ayaa sidoo kale sheegay in aan la cafin doonin cid kasta oo Ahlusunna la shaqaysay oo weli ku sugan magaalada.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST