Cali Yare oo sheegay in Milatariga Soomaaliya falal aar-gudasho ah ka bilaabay Guriceel

Cali Yare Cali, oo kamid ah Saaxiibada Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Ahlusunna looga adkaan waayay dagaalkii Guriceel, islamarkaana aan looga adkaan doonin dagaal dambe.

Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, ayuu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Galmudug in xeelad aan  dagaal ahayn lagu wajaho arrinta Ahlusunna, si loo xalliyo xiisadda labada dhinac.

Caadi ahaan qof ama koox caqiido aaminsan lagama adkaado, waxaa tusaale kuugu filan in 300 oo Wiil oo muddo labo asbuuc ah isku aruursaday Siyaaro ay ku kulmeen laga maray dhibka iyo rafaadka la arkay, sidaas darteed maamulka Galmudug waxaa la gudboon inuu si xeelad sare leh u wajaho Arrinka Bohol iyo Ahlusunah.”

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in shakhsiyaad ka tirsan saraakiisha ciidamada  Milatariga Soomaaliya ay Guriceel ka bilaabeen tallaabooyin aar-gudasho ah oo lagula kacayo dhalinyarada magaalada ee Ahlusunna la shaqaysay.

Waxaan maqlayaa in Dhallinyarada magaalada ee Ahlusunnah la shaqeysay qaarkood guryahooda la tagay si looga aargoosto, shaqsiyaadka sidaas sameynaya ee saraakiisha Ciidanka milatariga ka tirsan arrinkaas haka waantoobaan waa arrin halis ah” ayuu yiri Cali Yare.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Ahlusunna wada-hadal kadib isaga baxday Guriceel halkaas oo ciidamada dowladda Federaalku si buuxda ula wareegeen.

PUNTLAND POST