Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa markii u horraysay ka hadlay colaadda ka aloosan magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dagaalka ka socda Guriceel oo u dhexeeya xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan kuwa Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug wuxu sidoo kale sheegay in uu magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo mas’uuliyiin heer Gobol ah, si wax looga qabto xaaladda banii’aadanimo ee ka dhalatay dagaalka Guriceel.
Sidoo kale, wuxu eedayn kulul u jeediyay xoogagga Ahlusunna oo sida uu sheegay ay gadaal ka taagan yihiin Soomaali iyo ajaanin hurinaya colaadda Guriceel.
Halkaan ka daawo muuqaalkiisa
PUNTLAND POST