Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda qarax ka dhacay dalka Uganda

Daacish

Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ay dad ku dhinteen oo Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla dalka Uganda.

Baarayaasha ayaa sheegaya in haweeney 20 jir ah lagu dilay saddex qof oo kalena lagu dhaawacay qarax  fiidnimadii Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla waqooyiga caasimadda Kampala.

Booliiska ayaa sheegay in walxa qarxa looga tagay miis hoostiis, taasi oo muujinaysa in howshan ay fuliyeen kooxo aan aqoon durugsan u laheyn, waxayna hoos u dhigeen in ay wax xiriir ah la lahayd shabakad shisheeye.

Hase yeeshee, farriin ay Daacish soo dhigatay boggeeda isgaarsiinta ayay ku sheegtay in ay weerarka fulisay, waxayna sheegatay in ay dishay laba qof shanna dhaawacday.

PUNTLAND POST