Ahlusunna oo war ka soo saartay dagaalka Guriceel

Hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka hadlay dagaalka degmada Guriceel ay kula galeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac tiro badan ah.

Qoraal ka soo baxay hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweeynayaan baaqii nabadda ahaa ee kasoo baxay qaar kamid ah Midowga Musharixiinta iyo baaqyaa nabadeed oo ay soo saarayaan waxgaradka, Siyaasiyiinta & Culimadda.

Sidoo kale Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay sheegeen in ay aqoonsan yihiin jiritaanka Maamulka Galmudug iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, balse ay ka xun yihiin wixii ka dhacay Guriceel.

PUNTLAND POST