Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada banii’aadani ee dalka

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Jubbooyinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shir guddoomisay kulankaas, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeedkaan.

PUNTLAND POST