Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo ku dhintay dagaalka Guriceel

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ahlusunna ku go’doonsan yihiin magaalada Guriceel, islamarkaana la siiyay fursad ay kaga baxaan magaalada laba saacadood gudahood.

Warbaahinta dowladdu waxay sheegtay in Hoggaanka Ahlusunna dalbaday in la siiyo fursad ay kaga baxaan Guriceel, kadibna Madaxda Galmudug aqbashay dalabka ka yimid dhinaca Ahlusunna.

Dhinaca kale, Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabad-sugidda, Cabdiqani Maxamed Diiriye ayaa la xaqiijiyay in uu saaka ku dhintay dagaalka Guriceel.

Ma jirto wali cid si madax bannaan uga hadashay xaaladda Guriceel, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo lagu dalbanayo in dagaalka la joojiyo.

PUNTLAND POST