Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa war ka soo saaray hannaanka sugidda Amniga Gobolka Bari xilli degmada Ufayn oo ka tirsan Gobolkaas ay doorashadu ka dhacayso.
G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska ee Gobolka Bari in ay ku sugnaadan goobahooda shaqada islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.
Taliye Xuseen ayaa sida oo kale sheegay in la xiri doona isku socodka Gaadiidka 24 saac laga bilaabo lixda Makhribnimo ee maanta dhamaan Degmooyinka Gobolka Bari waxaana uu bulshada faray in ay qaataan Awaamiirta.
PUNTLAND POST