Shirweyne lagu xalinayo Colaadii Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye oo Garoowe ka furmay

Shirweyne lagu xallinayo colaaddii Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ayaa maanta ka furmay caasimadda Garoowe.

Shirka ayaa loo qabtay dib u-heshiisiinta Beelaha Maxamed Ugaar iyo Bah-dubeys oo isku dhinac iyo Beesha Xasan Ugaas oo horay ugu dagaallamay dhulka u dhexeeya Boocame iyo Birta Dheer.

Shirka waxa ka shaqeeyay Guddigii Nabadaynta labada Beelood oo isu’gu jira Cuqaal iyo Isimo kadib markii ay ku guulaysteen Xabad-joojintii labada dhinac.

PUNTLAND POST