Urur siyaasadeedka Kaah oo sheegay in lagu weeraray degmada Eyl

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, ayaa ka hadlay shaqaaqa maanta ka dhacday degmadaas, xilli uu socday ololaha urur siyaasadeedka Kaah.

Wasiirka ayaa sheegay in ururka uu ka tirsanyahay ee Kaah lagu weeraray degmada Eyl, islamarkaana khasaare ka dhashay dhagxaan lagu tuuray taageerayaasha urur siyaasadeedka Kaah, xilli ay ku jireen isu soo baxa ololaha doorashada la qorsheeyay in ay ka dhacdo saddexda degmo.

Wasiirka Xasan Abgaal ayaa sheegay in ay hayaan caddayma muujinaya in taageerayaasha urur siyaasadeedyada Mideeye iyo Sinnaan& Caddaalad ay ka dambeeyeen shaqaaqadii lagu sameeyay Kaah.

Dhinaca kale, Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa qoraal uu soo saaray ku beeniyay eedaynta ka timid wasiirka Maaliyadda Puntland ahna xubin ka tirsan Kaah “ Urur Siyaasadeedka MIDEEYE wuxuu si cad u beeninayaa eedaynta wasiirka maaliyadda dawladda Puntland mudane Xasan Shire Abgaal oo ku hadlayey afka urur siyaasadeedka Kaah” ayaa lagu yiri qoraalka Mideeye.

Halkaan ka daawo muuqaalka Wasiirka

PUNTLAND POST