Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo heshiiyay

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa is-fahan rasmi ah ka gaaray khilaafkii u dhexeeyay, kadib wadahadalo ilaa xalay socday.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa isku afgartay in Yaasiin Farey sii ahaado Agaasimaha NISA, inta madaxweyne Farmaajo ka soo magacaabayo Taliye rasmi ah iyo in Bashiir Goobe loo magacaabo Wasiiru-dowle.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisil Wasaaraha ayaa isku afgartay in Cabdullaahi Maxamed Nuur loo daayo wasiirka amniga iyo in kiiskii Ikraan Tahliil loo daayo hay’adaha ku shaqada leh.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble waxay isku raaceen in la dardageliyo doorashada dalka, waxayna ugu baaqeen dowlad goboleedyada in ay si degdeg ah u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa kaalin weyn ka qaatay heshiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

PUNTLAND POST