
Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo ay weheliyaan Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa maanta kulan la qaatay dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan Caasimadda Garoowe.
Kulanka ayaa looga hadlay wada-shaqaynta dhinaca Amniga caasimadda iyo dhawrista xuquuqda dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku nool magaalada Garoowe.
Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Jaamac Aadan iyo Guddoomiyaha Gobolka Maxamuud Xasan maxamed (Cawil Mataan) ayaa kulankaas kadib warbaahinta la hadlay.
Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.