Xubno ka tirsan Gudiga Doorashooyinka Federaalka oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Xubno ka mida Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) iyo Heer Dowlad goboleed Galmudug (SEIT) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta labaad ee loo asteeyay Doorashada dowlad goboleed ka Galmudug.

Xubnaha Guddiga Waxa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay maamulka Gobolka iyo kan degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka.

Guddoomiyaha Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Galmudug (SEIT) Mohamed Dahir iyo afhayeenka guddiga Doorashada heer Federaal Amb Ahmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay inay magaalada Gaalkacyo u yimaadeen dardargelinta Doorashada iyo diyaarinta Goobaha doorashada magaalada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST