
Madaxda ka tirsan dowladda Puntland ayaa Kulan la qaatay ciidamadda ilaaladda Xeebaha puntland ee midowga yurub.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda puntland Senetor Mohamed Abdi Majiino iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Hor-umarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ahna Duqa Degmada Bossaso Abdiqani Ahmed Ismail (Deera-dile) ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Ilaalada badda Puntland ee midowga Yurub, Admiral Alejandro Cuerda.
Kulanka oo ka dhacay dusha sare mid ka mida maraakiibta howlgalada Midowga yurub Ayaa looga hadlay xoojinya iskaashiga Amniga xeebaha Puntland Xakamaynta Tahriibka joojinta Kallumaysiga sharci darada ah ilaalinta Hubka kasoo dega eeriyada xeebaha Bossaso iyo arimo kale oo muhiim ah.
Duqa degmada Bossaso ayaa ku booriyey ciidamadda ilaaliyaha xeebaha puntland ee midowga yurub shaqada ay ahaan wuxuna sheegay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo ilaalinta iyo la dagaalanka wax walba oo sharcidaro ah una keeni kara Amni xumo Xeebaha Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.