
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa waddanka Imaraatiga Carbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto caasimadda Garoowe.
Madaxweyne Deni ayaa 2-dii bishan October safar aan la shaacin ugu baxay dalka Imaaraadka isagoo sii maray magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya.
Madaxweynaha oo mudda lix iyo toban cisho ah ku maqnaa Imaaraadka Carabta ayaa sida wararku sheegayaan halkaas u joogay arrima siyaasadeed.
Dad lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweyne Deni uu halkaas u tegay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.