Shaqaalaha Puntland oo la fasaxay si loo maamuuso xuska Mowliidka

Dhammaan Shaqaalaha dowladda Puntland ayaa la fasaxay maalinta Talaadada ah oo ku beegan xuska barakaysan ee Dhalashada Nebi Muxamed SCW (Mowliidka).

Qoraal wargelin ah oo ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland ayaa lagu fasaxay dhammaan shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda si loo maamuuso Mowliidka Nebiga (NNKH)

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku wargelisay shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa hay’adaha Caalamiga ah  in ay fasax yihiin maalintaas.

PUNTLAND POST