Gudi loo saaray dadkii Laascaanood laga soo raafay oo warbixin siiyay Madaxweyne Lafta Gareen

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddiga ku-meel gaarka ee Gargaarka dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn Guddiga ka dhagaystay warbixin ku qotonta waxyaabaha u qabsoomay iyo socdaalkii ay ku tageen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ee Puntland.

Guddiga ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen sidii dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ay dib ugu soo celiyaan Magaalada Baydhabo iyo sida dib udejin ugu samayeen Dadkii dalbaday in Puntland  ay kusii shaqaystaan.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Guddiga, isla markaana waxaa uu ku boggaadiyay dadaalkooda ay ku bixiyeen ugar-gaarida dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

PUNTLAND POST