Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz.
Ra’iisal wasaaraha iyo safiirka ayaa ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay xiriirka taariikheed iyo kan dhaqan u leedahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaabab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacyada kale.
PUNTLAND POST