Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda dadkii laga raafay Laascaanood

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka laga soo saaray magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaareen 7,250 qof. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadminnimada ayaa war qoraal ah oo uu saaray ku sheegay in 24 qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle.

Sida uu sheegay xafiiskaasi, magaalada Ceerigaaba waxa iyadana kasoo barakacay 75 qof oo soo gaaray Gaalkacayo iyo Baydhaba kadib markii sida la sheegay mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku baxaan ilaa 21-ka Oktoobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA.

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan.

PUNTLAND POST