Garoowe: Cagaf laamiga waxyeellaysay oo gacanta lagu dhigay

Dowladda hoose ee caasimadda Garoowe ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay Cagaf waxyeello gaarsiisay laamiga oo saacadihii u dambeeyay laga baadi-goobayay magaalada.

Ciidanka dowladda hoose ee Garoowe ayaa ku guulaystay in gacanta lagu dhigo Cagaftaas iyo ninkii watay oo xabsiga loo taxaabay.

Hawgal saacado qaatay kadib waan ku guulaysannay in gacanta lagu dhigo Cagaftaas iyo ninkii watay oo xabsiga loo taxaabay waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu Puntland Post u sheegay mas’uul ka tirsan dowladda hoose.

PUNTLAND POST