Shir ku saabsan Xaraynta Ergada Doorashada Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu qabtay

Shir looga hadlayay bilaabidda xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa Muqdisho ku yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobolleed.

Shirka oo socday muddo sadex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kaasi oo isugu yeeray Shirgudoonada Gudi hoosaadka Doorashooyinka Somaliland, Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Banaadiriga iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Ujeeddada shirka ayaa ah bilaabidda xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka iyo Qodobo kale oo muhiim ah.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Guddiyada ugu baaqay inay dardar geliyaan howlaha doorashooyinka dalka si loo dhameystiro howlaha ka harsan, isla markaana dalka ay uga dhacdo doorasho la isla ogol yahay.

PUNTLAND POST