Madaxweyne Deni oo warqad codsi ah u diray Guddoonka Baarlamanka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan warqad codsi ah  u diray Guddoonka Baarlamanka taas oo uu ku dalbanayay in hal maalin dib loo dhigo Kal-fadhiga Baarlamanka oo furmi lahaa 25-ka October.

Madaxweyne Deni ayaa sida wararku sheegayaan codsigiisa ku sababeeyay in ay isku beegan yihiin furitaanka Kal-fadhiga iyo Doorashada hordhaca ah ee laga qabanayo saddexda degmo ee Qardho Eyl iyo Ufayn.

Codsiga kadib Madaxweynaha iyo Guddoonka ayaa isla gartay in hal maalin lagu daro furitaanka Kal-fadhiga islamarkaana laga dhigo 26-ka October si aysan ugu beegmin Doorashooyinka hordhaca ah ee saddexda degmo.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu 25-ka October Magaalada Qardho ka daah-furo Doorashada hordhaca ah oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan lagana qabanayo saddexda degmo

PUNTLAND POST