Malayshiya-beeleed xoog ku qabsaday dekeda Hobyo

Malayshiya-beeleed hubaysan ayaa xoog kula wareegay dekedda magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug kadib markii lagu murmay badeecado ganacsi oo laga dejin lahaa halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in malayshiyaadkaas lacag weydiisteen ganacsato doonayay in ay badeecado ka dejistaan dekedda magaalada Hobyo kadibna ganacsatadu diiday in ay bixiyaan lacagtaas.

Malayshiyaadka ayaa dalbanaya in la siiyo cadad lacageed oo cayiman si ay u fasaxaan dekedda islamarkaana looga soo dejiyo badeecadaha ganacsiga ee xanniban.

Tallaabadaas ayaa xiisad ka abuurtay degmada Hobyo kadib markii ganacsatada qaarkood la soo baxeen hubkooda.

PUNTLAND POST