Madaxweynaha Kenya oo si adag uga horyimid xukunkii dacwadda badda

Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si adag ugu gacan-sayray xukunkii dacwadda badda ee shalay ka soo baxay maxkamadda Caddaalada Caalamiga ah ee ICJ.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda kenya aysan aqbalin islamarkaana aqoonsan doonin xukunkaas dacwadda badda ee ay soo saartay maxkamadda.

Ma aqbalayno mana aqoonsanin xukunka ka soo baxay Maxkamadda ICJ waana mid wiiqi doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya” sidaas waxa yiri madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale, wuxu sheegay in isagoo ah taliyaha ciidamada qaranka Kenya uu qaadi doono tallaabo kasta oo uu awoodo si looga hortago go’aankaas.

Ma doonayo inaan ka tago dhaarteydii qaranka; waxaana sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo, ka taliyaha Ciidamada Qaranka ahaan, si aan u ilaaliyo dhulka Jamhuuriyadda Kenya”

PUNTLAND POST