Muran ka dhex aloosan Algeria iyo Faransiiska

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa ka dalbaday Faransiiska I ay ixtiraam u muujiyaan dalkiisa kadib murankii dhex-maray labada wadan.

Algeria ayaa u yeeratay safiirkeeda Paris, waxayna hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha militari ee Faransiiska, oo ay si joogto ah ugu adeegsadaan howlgallada lagula dagaalamayo jihaadiyiinta gobolka Sahel.

Tallaabooyinkaas ayaa daba socday muran ka dhashay dal-ku-galka Faransiiska oo laga xadiday muwaadiniinta Algeria iyo warbixino warbaahineed oo sheegay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay hadallo ka dhan ah Algeria.

Macron ayaa lagu warramay inuu ku yiri dadkii farcmaya dagaal-yahanadii dagaalkii madax-banaanida Algeria ee 1954-1962 “Algeria waxaa lagu xukumay nidaam-siyaasadeed militari, oo gebi ahaan dib u qoray taariikhdeeda.”

PUNTLAND POST