Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay xukunka kiiska badda iyo caqabadihii ku xeernaa

Muuqaal: Khudbada madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Dadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan go’aanka kama-danbeysta ah ee ka soo baxay Maxakamadda ICJ ee kiiska dacawadda Badda Soomaaliya ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey miro-dhalka dadaalladii waddaniga ahaa ee lagu difaacayey Baddeenna.

Madaxweyne Famaanno ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay culaysyo badan oo siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed si ay u xaqiijiso guushan taariikhiga ah, iyada oo dowladda Kenya ay qaadday tallaabooyin ay ku carqaladayneysay habsami u socodka dacwadda Badda, isla markaannaa ay ku dooneysay in qol mugdi ah loogu xalaaleeyo baddeenna.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guushan taariikhiga ah ku tilmaamay mira-dhalka halgankii dheeraa ee dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u soo galeen xaqiijinta kiiska sharci ee lagaga hortegayey damaca hoggaanka Kenya ay ku doonayeen in ay ku sheegtaan qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey halyeeyadii u soo halgamay guushan taariikhiga ah oo ay ugu horreeyaan Baarlamaankii 8-aad ee qaatay go’aankii dhaxal dhawrka ahaa, Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, khuburadii Soomaaliyeed ee ay ka midka ahaayeen Dr. Muna Sharmaan iyo AHUN Eng. Maxamed Cumar Saalixi, Garyaqaannadii iyo khubarradii dhanka sharciga ee Shirkadda Foly Hoag iyo Guddigii DFS ee kiiiska Dacwadda Badda.

PUNTLAND POST