Ciidamada Galmudug iyo kuwa Federaalka oo Ahlusuna kala wareegay Ceeldheere

Xoogagga Ahlusunna ayaa isaga baxay degaanka Ceeldheere oo u dhexeeya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay degaanka Ceeldheere kadib markii ay isaga baxeen Ahlusunna.

Ahlusunna ayaa todobaad ka hor Galmudug ka qabsatay degaankaas Ceeldheere oo qiyaastii 28km dhanka koonfureed ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

 24 saac ee la soo dhaafay Ahlusunna waxay ka baxeen degmada Matabaan oo ka tirsan  Gobolka Hiiraan iyo degaanka Ceeldheere oo ka tirsan Galgaduud.

PUNTLAND POST