Ardayda Puntland oo si weyn u xustay maalinta Calanka

Ardayda Soomaaliyeed ee reer Puntland ayaa maanta si weyn u xusay maalinta calanka 12-ka Oktoobar oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

Munaasabado lagu xusay maalinta calanka Soomaaliya ayaa dhacay iskuulo ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaana baraha bulshada aad ugu faafay sawiro muujinaya araday oo ku labisan calanka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Roonle ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta calanka ee 12ka Oktoobar .

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yiri “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor”.

“Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda” ayuu qoraalka raaciyay Rooble.

PUNTLAND POST