
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho kuwaas oo dhawaan qabsoomaya.
Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka (TPEC) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland. Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni oo ay ka mid yihiin Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale oo amni.
Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka Dawladdaha Hoose ee soo foodaleh.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.