Hawlgalka AMISOM oo loo beddelay mid ay ku midaysan yihiin Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in uu go’aansaday in howlgalka AMISOM loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qoraal ka soo baxay Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay xoojiyeen qiimeyn uu sameeyey guddi madax-banaanka oo Midowga Afrika ka tirsan, kaasi oo soo jeediyey in howlgal wada-jir ah oo laga fuliyo Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka uu xaqiijin doono maalgelin sanado badan ah oo la saadaalin karo lana joogteyn karo oo uu helo howlgalka mustaqbalka, ayada oo loo marayo tabarucaad ay QM qiimeysay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u diiday qorshahan, waxayna ku adkeysatay doorka taageerada howlgalka Midowga Afrika ,ayada oo mas’uuliyadda amniga, si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Hase yeeshee Midowga Afrika ayaa doonaya wada-tashi deg deg ah oo ay la yeeshaan QM iyo dowladda Soomaaliya iyo saamileyda kale si looga shaqeeyo u gudbidda howlgalka cusub ee lasoo jeediyay.

PUNTLAND POST