Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan, ayaa lagu qanciyay in ay ka baxaan kastamka Canshuuraha koonfurta Gaalkacyo.
Ciidamadan ayaa mudda saddex maalmood ah haystay Kastamka Canshuuraha koonfurta Gaalkacyo, kadib markii ay halkaas ka saareen ciidankii Booliiska.
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sida wararku sheegayaan ku guulaystay in ay ciidamada ka qaadaan Kastamka Canshuuraha, islamarkaana dib ugu celiyaan saldhigyadoodii hore.
Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada u sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo xallinayo tabashada dhanka mushahaarka iydoo sidaas lagu qanciyay.
PUNTLAND POST