Xoogagga Ahlusunna ayaa saaka isaga baxay degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan halkaas oo kamid ahayd magaalooyinka ay qabsadeen.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusunna oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay saaka isaga baxeen magaalada Matabaan ee Gobolkaas Hiiraan.
Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna hadda ku sugan yihiin Tuulada Lebi-Hiiraan oo ku taalla xadka labada Gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud.
Weli faahfaahin lagama helin sababta keentay in Ciidamada Ahlusunna ka baxaan degmada Matabaan xilli ay dhinaca Guriceel ka jirto xiisad u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna.
PUNTLAND POST