Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Agaasimayashii wasaaradaha amniga gudaha iyo Wasaarada Qorsheynta, isagoo u magacaabay Agaasimayaal cusub .
Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilka loogaga qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdulahi Maxamed Xasan isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Muxumad Cabdulle.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.