Fiqi oo eedeyn u jeediyay Qoorqoor, taageerana u muujiyay Ahlusunna


Axmed Macallin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor in uu abaabulayo dagaal ka dhan ah shacabka Guriceel.

Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Qoorqoor diiday wadahadal laga galo Ahlusunna, isla markaana uu dowladda federaalka ka dalbaday ciidamo uusan u dalban jitin Al-shabaab.

Axmed Fiqi ayaa taageero u muujiyay Ahlusunna, wuxuuna tilmaamay in mudadii yarayd ee ay ku sugnaayeen qaar kamid ah degaannada Galmudug ay nabad soo kor dhiyeen.

Sidoo kale Fiqi ayaa eedeyn u jeediyay dowladda federaalka iyo siyaasiyiintii taageeray Galmdudug, wuxuuna sheegay in madaxda Ahlusunna aysan ka duwanayn Saadiq Joon iyo Xasan Sheekh oo Badbaado Qaran ku difaacaysay xaafado kamid ah Muqdisho.

Ugu dambeyn Axmed Fiqi ayaa ugu baaqay shacabka Guriceel in ay difaacdaan Shiikhooda.

Daawo Fiqi oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya

PUNTLAND POST