Boqor Burhaan oo aan weli ka hadlin barakicintii Laascaanood ka dhacday

Garoowe (Wararka PP) — Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka Beesha Daarood ayaa weli ka aamusan barakicintii maamulka Somaliland dad Soomaaliyeed ugu geystay Laascaanood toddobaadkii hore.

Laascaanood waa degmo ka tirsan Puntland oo heer federaal metesha degmada. Ma cadda sababta uu Boqor Burhaan ilaa hadda uga hadli la’yahay dambiga barakicinta qasabka ah oo dad Soomaaliyeed loogu geystay Laascaanood.

Boqor Burhaan ilaa hadda kama hadlin barakicinta argaggaxa ku ridday dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo uu maamulka Muuse Biixi Laascaanood ka sameeyay.

“Waa wax meel-ka-dhac ku ah magaca Puntland iyo magaciisaba hadduu Boqor Burhaan ka gowsgaabsado barakicinta argaggaxa ku ridday dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan” ayuu yiri Adaan Xuseen Aw Daahir oo ku sugan Boosaaso.

Madaxdhaqameedyo Soomaaliyeed oo meelo kala duwan kaga nool Soomaaliya ayaa dhaleeceeyay falka maamulka goonni-isu-taagga sharcidarrada ah doonaya uu dad Soomaaliyeed meel ka mid ah dhulkooda kaga barakiciyay.

© Puntland Post, 2021