Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Jizaan oo u dhow xadka ay wadagaan waddamada Yeman iyo Sacuudi Carabiya.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee magaceeda loo soo gaabiyo (SPA) ayaa sheegtay in Jimcihi weerar lala beegsaday Garoonka Boqor Cabdallah ee magaalada Jizaan .
Dad gaaraya Lix ruux oo kala ah labo Sacuudiyaan ah, saddex u dhalatay Bangladesh iyo hal Suudaan ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay weerarka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
Ma jirto cid si toos ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin dhowr weerar oo lagu bartilmaameedsaday Garoomada Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman.
PUNTLAND POST