Wada-xaajaad toos ah oo maanta u furmaya Mareykanka iyo Taalibaan

Saraakiil sarsare oo Mareykan ah ayaa wadahadal toos ah la yeelanaya Sabtida maanta ah wakiillada Taalibaan ee haya talada dalka Afghanistan markii ugu horreysay tan iyo markii Mareykanku ka baxay dalkaas.

Saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in wafdi Mareykan ah ay Sabtida iyo Axadda kula kulmi doonaan magaalada Doha ee dalka Qatar wakiilo sare oo ka tirsan Taalibaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo markii hore werisay wadahadalladan, ayaa sheegtay in wafdiga Mareykanka ay ka mid noqon doonaan saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda, hay’adda USAID iyo bahda sirdoonka Mareykanka.

Suhail Shaheen, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa isna warbaahinta u xaqiijiyay in hoggaamiyayaashoodu ay Mareykanka Doha kula kulmi doonaan.

PUNTLAND POST