Koonfur Galbeed oo diyaarado ku daabulaysa dadkii la soo raafay ee Gaalkacyo ku sugan

Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa qorshaynaya in ay diyaarado ku daabulaan dadkii laga soo raafay Laascaanood ee ku sugan Gaalkacyo.

 Wefdi heer wasiiro ah oo ka tirsan Koonfur Galbeed, ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen mas’uuliyiinta Puntland, si loo diyaariyo qorshaha daabulka dadkaas.

Wefdiga ayaa si gaar ah ula kulmay guddi xukuumadda Puntland u xil-saartay Taakulaynta dadka Rayidka ah ee laga soo raafay Laascaanood.

Guddiga ayaa qorsheeyay in goobo gaar ah la isugu geeyo dadka, si diyaarado loogu qaado loona gaarsiiyo magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Dowad Goboleedka Koofur Galbeed.

PUNTLAND POST