Gaalkacyo: Guddi ka socda Koonfur Galbeed oo booqday goobaha la dejiyay dadkii la soo raafay

Guddi heer wasiiro ah, oo ka socda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa saaka booqasho ku tegay goobaha magaalada Gaalkacyo laga dejiyay dadkii laga soo raafay Laascaanood.

Shacabka Reer Koonfur Galbeed ee Somaliland soo bara-kicisay, ayaa mashxarad iyo sacab ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta.

Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo dadkan, islamarkaana dib u dejin loogu samaynayo degaannadoodii.

Sidoo kale, guddiga ayaa u mahad-celiyay mas’uuliyiinta dowladda Puntland u xil-saartay dejinta iyo caawinta shacabkii laga soo raafay Laascaanood.

PUNTLAND POST