Alle ha naxariistee, Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Madaxbannaan ee Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada London ee waddanka Ingiriiska.
Geerida marxuumka waxa xaqiijiyay xubno ka tirsan Qoyskiisa waxaana durba ka tacsiyeeyay dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.
Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxu ahaa Qoraa Soomaaliyeed oo ku xeel-dheer Luuqadda Soomaaliga Sidoo kalena as’aasay Akademiyad qaabilsan Ilaalinta Af-Soomaaliga.
PUNTLAND POST