Abaabul mooshin oo la hadal-hayo ka hor furitaanka Kalfadhiga Baarlamanka Puntland

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu socdo abaabulka mooshin lagu burinayo wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka ee Baarlamanka Puntland ansixiyay Kal-fadhigii hore.

Xildhibaanno kala duwan oo diiday in magacyadooda la xigto ayaa Puntland Post u sheegay in uu soo noqday abaabul hoose oo ku saabsan in Kal-fadhiga soo socda lagu buriyo wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Deni uu guddoonka Baarlamanka ka codsaday in hal maalin lagu daro wakhtiga furitaanka Kalfadhiga oo ku beegan 25-ka bishan October 2021.

Wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka ee lagu ansixiyay Kal-fadhigii hore waxa ku jiray qodoba muran dhaliyay oo uu kamid yahay in guddoonka iyo xildhibaannada lagu ridi karo 44 cod.

PUNTLAND POST