Cudubyo ka tirsan Xoogagga Ahlusunna ayaa Saaka Hawlgal Qorshaysan ku qaaday degaanno dhaca Bariga iyo Koonfurta magaalada Guriceel halkaas oo laga soo sheegay malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Xoogagga Ahlusunna oo ku qalabaysan Gaadiidka Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan gudaha u galay degaanno ay si dhuumasho ah ku imaan jireen Al-shabaab.
Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada Ahlusunn ayaa laga soo xigtay in ay Al-shabaab ka qabsadeen degaanno kala duwan kadib markii Kooxda Shabaab isaga baxeen dhulkaas.
Ahlusunna ayaa maalmahan waday diyaar-garow ku aaddan in Al-shabaab laga xoreeyo dhulka ay kaga sugan yihiin guud ahaan Galmudug gaar ahaanna Gobolka Galgaduud.
PUNTLAND POST