Qalalaase ka taagan Koonfurta Gaalkacyo

Dabley hubaysan ayaa bartamaha Koonfurta Gaalkacyo ku dhacay Gaarigii Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug G/sare Qaasim Shiikhdoon.

Wararku waxay sheegayaan in Gaariga la dhacay xilli uu taagnaa aagga Hoteelka Five Star oo ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo islamarkaana dhaawac la gaarsiiyay Dareewalkii Gaarigaas.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa xalay qabsaday Kantaroollada laga soo galo Koonfurta Gaalkacyo.

Ciidamadan oo ku hubaysan Gaadiidka Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan xalay halkaas la wareegay kadib markii ay isaga carareen Ciidanka Booliisku.

PUNTLAND POST